Daawo: Wasiir C/rashiid M.Xirsi “Federaalku Farmaajo & Khayre Maahan”[ Hala Rooro Ayuu Run Mooday!]

by admin | Monday, Nov 12, 2018 | 184 Shared

Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Puntland ahna wasiirka Kalluumaysiga ee Puntland mudane c/rashiid M.Xirsi ayaa kasoo muuqday madal uu fadhiyay Madaxweyne Gaas, isagoo fasiraad u gooni ah ka bixiyay Federaalka Soomaaliya.

Wasiir C/rashiid oo markuu hadlayey aad u xuurtaysnaa ayaa yidhi: “Federaalku Farmaajo & Khayre maahan ee waa innaga Puntland ah”.

Isagoo sii hadlayey ayuu hadana sheegay in dastuurka Puntland uu ogolaanayo in Puntland ay u dhaqmi karto sidii dowlad madax bannaan. sidoo kale wuxuu sheegay in Dastuurka Federaalka uusan soo gaarin Puntland.

Wasiirka oo ay ka muuqatay guul-wadayn uu u iska dhisayey Madaxweyne Gaas ayaa aad ugu dheeraaday oo isku xiijiyey inaysan Puntland xukumi karin dowlad dhexe oon Puntland heshiis la gelin  , waxuuna hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: “haddii Punland ay ka yeesho sida farmaajo & Khayre rabaan innaagoo kabaha ilkaha ku sidana ayaan Xamar tagaynaa !!”.

Like it? Share it!

Leave A Response