Beesha Qayaad oo Jidka u galay Wasiiro ka tirsan Somaliland inta u dhaxaysa Laascaano & Dhumay

by admin | Sunday, Nov 11, 2018 | 152 Shared

Wafdi ay hogaaminayeen Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin iyo wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Koore ayaa lagu weeraray inta u dhaxaysa Laascaano & Dhumay.

Waxgaradkii ka qayb galayey shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah ayaa ku eedeeyey shakhsiyaadkaasi in ay qayb ka qaateen colaadii ka dhacday gobolka Sool iyo hurinteeda.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka ku dhaawacmay 2 askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliland ee  kolonyada galbinayey , waxaana loo malaynayaa inay weerarkaasi fuliyeen maleeshiyo ka tirsan beesha Khayr Cabdi ee Qayaad.

Like it? Share it!

Leave A Response