Yaasiin Xaaji Maxamuud (Fartoon) oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland

by admin | Saturday, Nov 10, 2018 | 304 Shared

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa  isku shaandheyn ku sameeyay Olaha wasiirada xukuummadda Somaliland, iyadoo wareegto kasoo baxday xafiiskiisa lagu shaaciyey isbedelkan cusub.

Ragga ugu weyn ee isku shaandheynta saameysay waxaa ka mida wasiirkii arrimaha dibadda Sacad Cali Shire oo laga wareejiyay wasaaradaasi, iyadoo Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir loo magacaabay wasiirka cusub ee arrimaha dibada Somaliland. Mudane Yaasiin faratoon oo hore u ahaa wasiirka Waxbarashada ayaa kasoo jeeda Bahararsame -Dhulabahante.

Wasiirkii hore ee arriamaha dibedda Sacad Cali shire ayaa loo magacaabayt wasiirka Waxbarashada.

Like it? Share it!

Leave A Response