Degmada Galdogob & kaambeynka kursiga Puntland ee aysan iyagu gayin.!!

by admin | Saturday, Nov 10, 2018 | 375 Shared

Waxaa Maanta degmada Galdogob gaaray musharax Janagale oo u daba maray Musharax Jabiye oo xalay u hoyday halkaasi, Waxaana dorraad degmada joogay Cali Xaaji oo la dabaaqtamayay Cali Shire oo halkaasi uga horreeyay, Waxaa iyana kusoo Fool leh Juxa , Deni, Gaas & Qaar kaloo badan oo giddigood beel qudha kasoo jeeda.

Dhammaantood si fiican baa loo soo dhaweeyay caleemo qoyan & Mashxaradna waa lagu qaabilay, kuwo soo socdana sidoo kale baa loogu heellan yahay oo waa dhaqan suuban ooy caado u leeyihiin reer Galdogob inay martida maqaam sare ku qaabilaan.

Balse waxaa is-weydiin mudan:
1- miyuusan jirin musharax reer Galdogob ah oo isagana markiisa lasoo dhaweeyo?
2- Miyaysan reer Galdogob iyagu gayin kurisiga madaxnimada Puntland?
3- Reerku miyuusan hore  xidhiidhka ugu jarin Puntland, kadib markii tabashadooda wax laga qaban waayey?
4- Maxaa ka rumoobay ballan-qaadyadii madaxdii hore ee sidaan oo kale 5 sano kahor u ordayay markay xilka qabteen?
5- Ma jiraa mowqif & gorgortan ay ku midaysan yihiin dadka Reer Galdogob oo ay hordhigaan martida soo booqatay?

Su,aalahaas iyo kuwo kale oo badanba waxaa filayaa inaysan reer Galdogob is-weydiin amase aysan jawaab u helin
aan ka ahayn sida reer Xamarku ku maahmaaho: “Ninkii aadeey guursada.. adeerkeey lee maahinoo”!!.

Sida in badan oo bulshada Puntland ka dhaadhacsan Kursiga Hoggaaminta Puntland wuxuu u xiran yahay beesha
Maxamuud Saleebaan, Waana taas mida sabatay in ragga musharaxiinta ah ee rooraya ay gebi ahaantood ku
abtirsadaan beeshaas, balse beelaha kale waxay leeyihiin “gorgortan iyo wax ii reeb” oo ugu yaraan
Dhiil hoose(isfahan) ayaa lala galaa sida madaxweyne ku xigeen , ra,iis baarlamaan & tiro wasiiro ah.

Marka haddii Hilibka aadan wax ka cunayn ugu yaraan Maraqu yuu ku seegin!!. Waana taas midda ka maqan reer Galdogob oo ficilkoodu yahay oo qudha Caleemo qoyan & mashaxarad.

Reer Galdogob waxay u baahan yihiin Siyaasi leh Aragti & Han Fog oon ahayn Fadlan igu shubo, kaasoo fahmi
kara hadba dhanka danta Beeshiisu ka jirto kartina u leh inuu odhan karo “qoodhey & Xeraday waxaani nama qabtaan”!.
Waxay kaloo u baahan yihiin Issimo sida Aayatulaahi Khumayniga Iiraan oo kale weedhooda & warankoodu u cad yahay,
oon ahayn “Ugaas Macno Maadan sheegin”.

Ugu danbayn haddii siyaasiyiintii hore ee beesha lagu eedayn jiray inay iyagu sabab u ahaayeen Caddaalad
xumada iyo Han gaabnida Beesha ay uga soo qaadeen fagaarihii 20 sano kahor rag wax ku qaybsanayey, ragga maanta
beesha ku metala Puntland (Wasiir, wasiir Kuxigeen, Xildhibaan iwm) miyaysan qaadin ama hayn Raadkii hore beeshu
ugu hungowday ee raggii ka horreeyay.?

Allow Noo Hiilli..!!

T A N A A A D P R E S S

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. Osman Abdi (Toronto) November 11, 2018 at 3:25 pm - Reply

    .Maxey reerku caan ku yihiin?

    .Yaa Puntland Awrta u kiciya ?

    .Kuwa Puntland Parliament ka tirsan

    karaamo iyo sharf ma leeyihiin?

    .Aaway gudiyadii shirkii December lagu dhisay?

    .Isamada Tanade, waa kuma isimka ay hoostagaan

    oo aan ahayn Tanade?

    Mr Takar fadlan su’aalahaas iiga soo jawaab!!!

Leave A Response