Kursiga Beelaha Maxamed Muumin ee Barlamaanka Puntland 2019(Yaa Qatan.. Yaase Wabxay.!!)

by admin | Thursday, Nov 8, 2018 | 411 Shared

Iyadoo muddo yar ay naga xigto doorashada Maamulka Puntland ee 2019, ayaa waxaa si xawli ah
uga socda deegaanada maamulkaasi tartanta & soo xulidda xubnaha Baarlamaanka Puntland.

Beelwaynta reer Maxamed Muumin ee Tanade Daarood oo 12 ardaa(beelood) ah Beel walibana u dhiganto
beel Maxamuud Saleebaan ah ayaa waxay ku tartamayaan Hal kursi oo Caato ah kuraasta Baarlamaanka Puntland,
Taasoo markhaati cad u ah Caddaalad darrada ku dhacday Beesha Tanade ee wax ka dhistay Maamulkaasi.

Kursigaan oo ka mid ah 3 kursi ee beeshu ay ku leedahay Barlamaanka Puntland ayaa waxaa beesha ku metalayey
20 kii sano ee Puntland jirtay Xildhibaano isku Ardaa(jifo)ah oo iska dhaxlayey, halka beelaha M.Muumin intooda
kale ay korjoogto ka ahaayeen.
Hadaba sida meesha ka muuqata oon Quud badani ool ayaa caqliga saliimkaa wuxuu sheegayaa:
inaan Qabiilku isku qoomin quud aan jirin , hadayse ka tagi waydo in loo Moogtamo oo qoloba markeeda
Ceelka wadaanta u ridato, maadaama geelu wada horan yahay,bacadkna la wada tuban yahay.!! taasoo meesha
ka saareysa inaysan jirin Qolo dhaxal u heshay Kursiga.

Waxaa iska soo daba dhacaya Musharaxiinta Beesha M.Muumin ee u tartamaya Kursigaasi, iyadoo jifo weliba ay
ka sharaxan yihiin rag quuddareynaya inay ku guulaystaan kursigaasi,haba ugu tiro badnaadeen ragga hadda
rooraya jifadii hore Monopoly-ga amase dhaxalka ugu haysatay.

Muwaadin waliba oo beesha ah xaq buu u leeyahay inuu tartamo, waxaase meesha ka maqan doorkii odey dhaqameedka beesha ooy aheyd inay ragga kala horaan,oo sida caddaaladu tahay u kala saaraan, waayo rag 20 sano kursiga ku fadhiyay xaq uma laha inay Beelo ay wada dhasheen oo weli ooman ay iyagu Biyo Cabbaan.!!

Taasi waa marka la xeerinayo yaa Qatan.. yaase wabxay?!! Yaa Federaalka wax u jiraan.. Yaase Puntland xil kahaya?!!
Yaa Tookadaan leh ..Yaase hore ugu fadhiyay?!!.

Waa Hubaal in haddii si xor ah oo xalaal ah oo qof iyo Cod ah wax loo dooran lahaa aan Qoonsi & Qaniinyo hoose
midna jiri lahayn, balse hadda nidaamka Puntland & somaliya oo dhan baa Beelo -Beelo wax lagu dooranayaa.
Beel walbana waa laga helayaa nin-door leh Han & Hoggaamin labadaba, cidda u Hiilinaysa ee uu saxiixoodda
kusoo baxayaana waa Odey dhaqameedka Qabiilka oo dhan u dhaxeeya, ee codka shacabka maahan.

Hadaba waxaa Issimada Beesha la gudboon inay u caddaalad falaan beelaha u tartamaya Quudka aan jirin
ee gudcurka loogu tuuray!!.

Anoo hilinka loo maro aqaan, guusha helisteeda

Meel aanu haabkeedu jirin, kuma harraadaayo

Qarannimo anoo heli kariyo, haybad lagu dhaato

Qabiil aan hungiyo ciil ka korin, laygu hodi maayo

Anigoo hoggaan dooran kara, horumar ii raadsha

Maatadiisa heeryada ka cune, uma hibaynaayo

Siyaasiga tollaayeey hawo ah, iigu habar sheegta

Hog intaan dantii guud ku rido, tiisa hidin maayo

 Xidid iyo xigaal aan huq iyo, hadimo ii gaysan

Hebel maydu nala doorataan, uma hujoomaayo

 

Tanaadpress.com

Like it? Share it!

Leave A Response