Wasiirka Difaaca & Taliyaha Ciidanka Turkiga Oo Muqdisho Soo Gaaray

by admin | Wednesday, Nov 7, 2018 | 184 Shared

Wasiirka Difaaca dalka Turkiga Hulusi Akar iyo  taliyaha ciiadanka dalkaasi Yaşar Güler ayaa maanta Arbaca ah 07/11/2018 soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana si weyn u soo dhaweeyay  Mas’uuliyiinta dowladda Somaliya .

Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wafdiga ayaa wada hadallo la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya, iyagoona ka shaqeyn doonaa sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale Labada Dal dhex mara heshiisyo iskaashi ah.

Like it? Share it!

Leave A Response