Daawo: Ganacsade Xaaji Muuse dhagey oo Qado sharaf u sameeyay waxgaradka reer Galdogob

by admin | Saturday, Aug 25, 2018 | 651 Shared

Ganacsadaha caanka ah ee reer Nayroobi Muuse Siciid Xasan – Muuse dhagey oo beryahaanba booqasho ku joogay Degmada Galdogob ayaa maanta qado sharaf  u fidiyey waxgaradka , isimada , culamaa diinka iyo  qeybaha kala duwan ee bulshada reer Galdogob.

Xafladda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayuu Xaaji Muuse Dhagay oo goobta ka hadlay wuxuu soo bandhigay arrimo fara badan oo ku saabsan horumarka degaanka Galdogob iyo siyaasadda xilligaan la rabo inay Beesha Tanade ku tilaabsato si ay ula jaanqaado is-bedeladda ka socda Puntland, Dowlad degaanka somaliada Itiibiya iyo guud ahaanba soomaaliya.

Xaajiga oo ku dheeraaday adeegyada daruuriga u ah degmada Galdogob ee loo baahan yahay in si dedeg ah loo fuliyo ayaa soo qaatay Airport ay magaaladu yeelato , isagoo ballan qaaday inuu kala bar qiimaha mashruuca isagu damaanad qaadayo.

Hoos ka daawo sawirada

 

Like it? Share it!

Leave A Response