Welcome Suldaan Juunle

by admin | Sunday, Jul 22, 2018 | 333 Shared

Suldaan Maxamed jaamac Shire (Juunle) oo kamid ah issimada Beesha Tanade ee loogu Qaddarinta & xushmadda badan yahay ayaa todobaadkaan waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada City of MinneapolisMN ee wadanka Maraykanka.

Suldaan Juunle oo muddooyinkii u danbeeyey ku sugnaa wadanka gudihiisa gaar ahaan Puntland ayaa lagu xasuustaa Gogoshii Gar-naqsiga aheyd ee uu gar-wadeenka ka ahaa ee beeshu ka fidisay garoowe dhamaadka sanadkii 2017 kii  iyo doorkii weynaa ee uu ku lahaa go,aankii bishii December 2017 ay beeshu ku gaadhay Gaalkacyo.

Sidoo kale Suldaanka ayaa geed dheer & mid gaabanba u koray siduu u soo dhicin lahaa xuuuqda Beesha Tanade ee kaga maqan Federaalka & puntland. Iyadoo lagu xasuustii kulankii xaafada garsoor ee Gaalkacyo uu kula yeeshay Madaxweyne farmaajo horraantii sanadkaan 2018, iyo dalabkii Beesha ee uu gacanta ka saaray.

Suldaan Juunle & isiimada kale ee beesha Tanade ka tirsan ayaa runtii ah kuwa ay mudan tahay in lagu ammaano kaalintooda firfircoon ee danaha guud ee Beesha iyo xallinta khilaafaadka , Halka ay jiraan rag kale oo issimo ah oo Beesha Tanade ka tirsan kana mug & magac dheer Suldaan juunle balse aan lagu arkin fagaarayaasha rag wax ku qaybsanayo iyo Degaanada Beesha toona. Raggaas oo aysan Mihiim aheyn inaan magacooda sheegno balse aan saadaalinayno inay ka maseeyraan maamuuska & maqaamka reer MinneapolisMN ay ku qaabileen Suldaanka lana arko mar dhow iyagoo ku habar wacanaya Faraskii Juunle oo kale ha nala saaro..!!.

Hadaba waxaan leenahay Mahadsanid Suldaan Juunle iyo weliba Jaaliyadda Beesha ee Maraykanka oo gartay inay ka abaal mariyaan wax qabadka & dadaalka Suldaanka.

Hoos Ka Daawo Wax Qabadka Suldaanka ( Sadar Muuqdaa Su,aal Ka dhan..!!)

 

Like it? Share it!

Leave A Response