Qoyska Reer Ugaas ee Beesha Tanade oo Guriga Ugaaska Ku Casumay Waxgaradka Beesha

by admin | Thursday, Mar 29, 2018 | 549 Shared

Saldanada Faca weyn sida aadka ahna loo xurmeeyo ee Reer Ugaas Maxamed Cali geesood oo ah Isimka Guud ee Beesha Tanade,  ayaa maanta Qasriga Ugaaska ee Degmada galdogob waxay ku qabteen Xaflad aad balllaaran oo ay Beesha tanade ugu soo bandhigayeen Ugaaska Cusub ee Beesha, Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed Ugaas Maxamed.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Odeyaasha , Caaqilada , nabaddoonada , Aqoonyahanka , iyo Dhallinyarada beesha ee ku sugan Degmada Galdogob.

Ugu horreyn waxaa hadalka qaatay Cali Ugaas Maxamed oo ah Odeyga Guud ee qoyska reer Ugaas , wuxuuna hadal kooban oo uu jeediyey soo dhaweeyay kasoo qeyb galayaasha , isagoo ku hadlaya magaca reer Ugaas ayuuna sheegay inay si wadajir qoysku u doortay Ugaas Maxamuud Ugaas axmed  hogaaminta Beesha, sidaas si le,egna ay ugu soo bandhigayaan Beelweynta Tanade inay ka guddoomaan Ugaaska ay u garteen inuu qabto Hogaanka soo jireenka ah ee Beesha Tanade.

Waxaa goobta ka hadlay Cuqaal iyo Nabaddoono dhammaantood si weyn usoo dhaweeyey Ugaaska cusub ee loo soo bandhigay Ugaas Maxamud ugaas Axmed.

ugu danbeyn waxaa Lagu ballamay in dal iyo dibedba si wadajir ah loola shaqeeyo ugaaska Cusub, iyadoo lagu ballamay in maalmaha soo socda lagu Caano-shubo & in  xafladiisa Caleemesaar loo sameeyo.

 

Like it? Share it!

Leave A Response