Shuushoow Bax! Beesha Tanade oo Ragaadkii 20-ka Sano Ay La dhutinaysay Iska Siibtay

by admin | Tuesday, Jan 16, 2018 | 798 Shared

Ragaadku waa Qodax weyn oo geela cagtiisa hoose mudda, taasoo u diida inuu qumaati u socdo tan iyo inta laga ragaadinayo ama laga ragaad bixiyo.

Mowjadaha Baddu waxay leeyihiin jiho ay u socdaan oo ku xiran hadba jawiga dabeyshu u jihayso, sidoo kale waxaan shaki ku jirin in bulsho walba ay leedahay hoggaan sare oo ku jiheeya hadba meesha uu Dantooda & Horumarkoodu ku jiro.

Tan iyo Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya bilowgii 19991-kii degaanada Soomaalidu wuxuu isu bedelay mid Qolo waliba ay danteeda,dadkeeda iyo degaankeeda ugu sameysatay maamul iyo muwaafaqo u gaar, kadib markii maamulkii dhexe ee dadka Soomaaliyeed ku mideysnaa uu meesha ka baxay.

Hadaba Beesha Tanade Daarood oo degaan ahaan degan Gobolada bari, Nugaal , Mudug iyo J/Hoose iyo Meelo kale oo badan ayaa tan iyo Asaaskii Puntland 1998-kii ka mid ahaa maamulkaasi dhib iyo dheef kay doonaan haku qabaane, waxayna ku lahaayeen matelaad aad u hoosaysa oon u qalmin maqaamka Beesha, iyagoo Golaha wakiilada Puntland ku lahaa oo kaliya 3 xildhibaan , halka golaha wasiirada ay heli jireen 1 Wasiir oon macno badan lahayn & 1 wasiir kuxigeen. Kana qatanaa dhammaan mansabka kale ee maamulka Puntland haday noqon lahayd Agaasimayaasha, Taliyayaasha Ciidamada iyo Madaxda Hay,adaha dowliga iyo kuwaan dowliga aheynba.

Yaa U Sabab ahaa Dib U Dhaca Beesha?

Sida in badan oo Bulsho weynta Tanade ay aaminsan tahay waxaan shaki ku jirin in Dib u Dhaca iyo Habacsanaanta Beesha ee aysan yeelan maamul iyada u gaar ah , amase aysan ka dhex muuqan maamulkii ay wax ka dhiseen ee Puntland  ay sabab u ahaayeen Siyaasiyiin Beesha magaceeda monopoly amase Lahaansho gaar ahaaneed ku haystay 20-kii sano ee lasoo dhaafay , Raggaas oo beesha dhexdeeda looga yaqaano magaca “RAGAAD“.

Siyaasiyiintaas amase Dan-leydaas  oo aysan mihiim ahayn inaan magacyadooda halkaan ku xusno , balse ay si fiican u wada yaqaanaan dhammaan Bulshada Tanade saqiir & kabiirba.

Waa kuwa ku qancay Cad-quureed & Cantuugo hal mar ah oo ay ka helaan Maamuladii isaga kala danbeeyay Puntland , iyagoo noqday RAGAAD ay beeshu ka socon weyday dhan walba haba ugu darnaato xagga siyaasadda, muwaafaqada iyo Qabka beesha oo iyadu aan waligeedba ku qanacsanayn Cad-quudheedka iyo Hambada ay raggaasi uga soo qaadi jireen fagaarayaasha rag wax ku qaybsanayo.

Waxaase nasiib wanaag ah in tan iyo Gogoshii bartamihii sanadkii hore ee 2017 ay beeshu dhigtay Garoowe ay dhammaan bulshada beesha Tanade si fiican ugu caddaatay kooxda Ragaad oo ay soo baxday waxay galaan iyo waxay gooyaanba, ayna tahay habeenkii xalay ahaa tagey in aan Kooxdaasi dib dambe Masiirka Bulshada waxba laga weydiinayn, iyadoo ay Beesha usoo baxeen Issimo, Siyaasiyiin iyo Dhallinyaro cusub oo laysku halleyn karo, Hankoodu dhaafsiisan yahay “maxaan Liqaa” Lehna Han iyo Hadaf Fog.

Ragga ciddiyaha ku diriray ee iska diiday inay asaagood Hambo iyo Bariis Ciidda ku daatay u daba fadhiyaan oo Beeshu Laabta ka ogtahay ayaa mudan bogaadin iyo garab istaag, Raggaasi oo taariikhda ka galay baal dahab ah, ninkii Caaqil ahi waa ogyahay abaal iyo ammaan buuna u hayaa kii mooge ah amase Caadifad iyo jifo isu xijiya kooxda Ragaad-na loo sheegi maayo Magacyadooda.

Waa ragga dhigay Gogoshii garoowe ee gar-naqsiga aheyd, waa kuwa Abaabulay una dhabar adaygay shirkii Gaalkacyo kana soo saaray go,aamada dhaxal gal ah , waa kuwii marti-qaadka iyo gogosha u sameeyay Madaxweyne farmaajo oo saddex Madaxweyne oo wada socdaa ay gurigooda ugu tageen, waa kuwa .. waa kuwa ….   . Ninkii Geedka iyo fagaaraha ka maqan mansabkuu doono ha lahaadee, ama wuxuu doono hala maqnaadee cid tabeysaa ma jirto loona joojin maayo.. Guuleystayaalow geediga wadaaaaaaaay.

Ugu danbayn ujeedada Qoraalkani maaha inaan rag gaar ah liifka saarayo, balse waa halka laga yiraahdo waxaad ogtihiin ma idiin sheegaa !!. Libaaxna nin ganay iyo nin galladaystay kala og !!.

Qalinkii: Ahmed A.Takar

Like it? Share it!

Leave A Response