Nacas dhiillo ma daayo.. Biyo dhaamis ma daayo..Dameerba Dhuuso ma daayo.

by admin | Friday, Oct 13, 2017 | 655 Shared

Dhaldhalaalka carbeed.
Ragga dheefta u qaatay.
Dekediina u dhiibay.
Dowladdana dhinac rooray.
Dhado roob noqon weydaye.
Dhagxumo inay ka dambayn.
Dhab ma iiga hubtaa…?

Kuma dhaaran karaayo.
Inta laysugu dhiibay.
Doolalarkay dhunjiyeeniyo.
Inta baanka dhexjiifta.
Ee Carabku uu dhadhansiiyey.

Kamase dhowrsan karaayo.
Midka dheesha hagaayiyo.
Dhamcaalka loo tashanaayo.
Dhulkiisii la gadaayo.
Isna dhoolacaddeys iyo.
Dhuruqdhaaruq dan mooday.

Axmed-dhaantaan is lahaa.
Waxuun buu yara dhaamin.
Dhurwaagaas ina Gaas iyo.
Sakiinkaas dhabqinaaye.

Shirkii uu ku dhawaaqana.
Asna waa Jinni dhaasay.
Oo waxba dheefa ma keenin.
Dhaanto dhaanto ma dhaanto.
Dhoorana dhoorre ma dhaamo.
Nacas dhiila ma daayo.
Biyo dhaamis ma daayo.
Dameerba dhuuso ma daayo.

Mid kalena wuxuu yidhi:

Ninka duudka weynee
Dibirada la foocee
Daanku uu qaloocdoow
Soomaali dumiyoow
Dulaal niman carbeed iyo 
Daba dhilif xun baad tahay

Waxse adiga kaa daran
Dul madoobe doqonkii
Daadxoorka geedkiyo
Dogobka u ekaayee
Maandeeq dulaalee
Damacii shisheeyaha
Saxiixa ugu duugeee
Ku jawaabay dabadeed
Aniga waa la ii diray
Duniduba la yaabtee
Dacwadeedu heeg iyo
Dal shisheeye ay taal.

Maantana ka daray ee
Soomaali kala dilay
Dadka qaybinaayoo
Doodiisu ay tahay
Dalka qaar anayska leh.

Waxse kaa ka sii daran
Midka duubka xiran ee
Duryanka iyo caydiyo
Deelqaafka badan ee
Dacartii qabiilkiyo
Dagaaladi sokeeyaha
Dadkeenii wixii rogey
Dib u soo fagaayeee
Ka doorbiday wanaagii

Waxaa kaa ka sii daran
Xildhibaan la doortee
Dalka in uu badbaadshiyo
Danta qaranka loo diray
Dabadeena aan garan
Facebook doc kaga jira
Dadka in uu ka caayoo
La duryamo caruuraha
Dawladnimada dumiyoo
Isku diro qabiilada …..
Doorkiisu uu yahay……

Damiirkii miyaa lumay
Duulkaan maxaa helay
Miyaan hilib danqada iyo
Diir dhaqaaqa kuba ool?

Durur iyo dabaal iyo
Doofaarkii webi gala
Abidkii ma daahiro
Waxaa taas daliil u ah

Dulaalkii horeetiyo
Dib u socod wuxuu dhigay
Danbiygeey galeen baa
Laga doorsan waayoo
Dadku weli xasuustaan

Dalkoo noo hagaagiyo
Dacwad baan la sugayee
Maanteey u darantahay

Nimeey dawladeeydiyo
Dunidaba in aan kaco
Dacar ay u tahayoo
Debin ii dhigaayoo
Ka daqada in aan jiro
Ay noo dulaaleen….

Waxsaan uga digaayaa
Dib u socod dhamaantii
Doraad maaha maantoo
Dadku waa baraarugey
Dibu dhaca qabiilkiyo
Danleey wey fahmeen oo
Ka doorasade wixii hore.

Da’yartii dhamaanteed
Dalka in ay xoreeyaan
Dib u socod la diriraan
Waa digaar garoobeen.

Alibashi Said

Like it? Share it!

Leave A Response