Hawlgalka Bannaynta Waddooyinka iyo barxadda dagmada galdogob (Sawirro)

by admin | Thursday, Jul 20, 2017 | 479 Shared

Tanaadpress: Ciidamada daraawiishta gobolka Mudug iyo ciidanka booliska degmada Galdogob ee dawlada Puntland ayaa saaka aroortii hore hawlgal lagu furayo wadooyinka isla markaana loogu gogol xaaraayo mashruuca horumarinta GPLG ga waxa ay ka bilaabeen degmada galdgob ee gobolka mudug.
sidoo kale barxada ceel ciid oo kamid ah dhulkii dawladii dhexe indhaweydna uu muran badan ka taagnaa ayaa saaka ciidamada dawladu ka baneeyeen guryo quruxbadan oo laga dhisay iyo cooshado ay dadka dhisteen guryaha saaka laga jabiyay ayaa waxaa kamid ah shirkada isgaarsiinta somtel oo kutaalay barxada ceel ciid ee bartamaha magaalada.

Gudoomiyaha degmada galdogob Xasan Faarax Maxemd Ayaxle iyo gudoomiyaha gobolka Xasan Maxamed Khaliif ayaa ka warbixiyay sida ay u socoto hawsha ay saaka ka bilaabeen degmada Galdgob.

Sidoo kale taliayaha ciidanka booliska degmada galdogob oo intii hawshu socotay la hadlay warbaahinta ayaa dhanikiisa tilmaamay in ay si guul ah ku socoto shaqada ay ka wadaan degmada.

Hawlgalkaani ayaa waxa uusan ku ekayn degmada galdgob oo kaliya ee waxaa ayadana qeyb ka ah degmada xarfo ee gobolka mudug oo ay maamulka gobolka iyo kan labada degmo ee Xarfo iyo Galdgob ay usii gudbi doonaan

Hawlagalkaan ay maamulka gobolka Mudug kawadaan degmada Galdgob ayaa waxa uu ku socdaa si guul ah.

Like it? Share it!

Leave A Response